daajis.com:- Midkaan ay maanta sameeyeen waxaan hadda lagu sheegaayo dowladaha Carbeed iyo kuwaan kale, ee Islaamka sheeganaaya, horey ayuu Mareykanka uu asagu u abaabushay. Qaar badanoo ka mid ah oo gacantiisa uu ku dhisay, oo kuwaan hadda Masar ka talinaaya ay ka mid yihiin.
“Sacuudiga weligoodba Mareykanka ayaa ku shaqaysanaayay, mabaadii’da iyo dhaqanka gaalada ayay u sabcinayeen. Dadka Muslimiinta ayay dhibaateeyaan oo meelkasta ay ku xir xiraan, kuna laayaan. Nimanka Mujaahidiinta ah Diinta Ilaahay (SWT) in la koryeela u dagaalamaaya, weligoodba cadow bay ku ahaayeen.”
“Isbahaysigan ay hadda samaynayaan oo ay leeyihiin waxaan kula dagaalamaynaa dadka Mujaahidiinta ah, waa mid ay ka soo shaqeeyeen Reer Galbeedka, oo ayagu ay ku raaligelinayaan.”
“Arrinta soo korortay waxaa weeye dadka Muslimiinta inay dareemaan nimankan Khaliijka fadhiya ee shayaadiinta ah, magaca Islaam sheeganaaya ee wadaad xumayaasha ay fatwada ula ag-fadhiyaan, waxa ay yihiin inay ummadu dareemaan, baa soo kordheysaa is leeyahay.”
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK._____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:29 and have
, Published at