C/weli Gaas iyo C/kariin Guuleed oo gaari dhexdiis ku shiray kuna heshiiyay….

C/weli Gaas iyo C/kariin Guuleed oo gaari dhexdiis ku shiray kuna heshiiyay….

daajis.com:- Madaxda maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa gelinkii danbe maanta kulan deg deg ah ka yeeshay dagaalka dib ugu qarxay Gaalkacyo, iyadoo kulankaasi uu ka dhacay kontoroolka Koonfureed oo gaari aan xabadda karin gudahiisa ay ku wada hadleen.

Waxaa ku wehliyay shirkaasi ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, Wasiirka Caddaaladda Dowladda Federaalka. Sidoo kale waxaa goobta joogey labada Sarkaal ee kala wata ciidamada diriray maanta.

guled-gasLabada Madaxweyne maamul ayaa wararku sheegayaan in ay meel iska dhigeen eedeynta midba midka kale u jeedinayay, iyagoo isla gartay in xabadda la joojiyo, lana kala qaado ciidamada sida ugu dhaqsaha badan.



Khasaaraha dagaalkii maanta ka dhashay ayaa sii kordhaya, iyadoo tirada dhimashada ay gaarayso toban qof, halka dhaawaca uu kasii badan yahay 45 qof.

Shalay ayaa Madaxweyneyaasha labada maamul ay saxiixeen heshiis afar qodob ka kooban, kaasoo ay ka qeybgaleen saxiixiisa ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid, madaxda maamulada dalka iyo wakiilo ka socday beesha caalamka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada