daajis.com:- Waxaa shalay Magaalada Gaalkacyo ka dhacay Dagaal culus iyo Duqeymo ay is dhaafsanayeen Ciidamada Maamulada Galmudug iyo Puntiland, kuwaa oo maalmihii lasoo dhaafay isku horfadhiyay qeybo kamid ah Magaalada Gaalkacyo.
Dagaalka shalay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ayaa yimid xili ay heshiis Magaaladaasi maalin kahor kuwada gaareen Madaxweynayaasha Gamudug iyo Puntiland, waxaana dagaalkii shalay uu niyad jab ku riday Guddigii waan waanta nabdeed kawaday Magaalada Gaalkacyo.
Xaalada Magaalada Gaalkacyo ayaa saakay ah mid dagan, mana jiraan rasaas laga maqlayo goobaha ay isku horfadhiyaan labada Ciidan, waxaana Magaaada kasocda dadaalo lagu doonayo in lagu kala qaado labada Ciidan.
Xalay Magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhacay kulamo kala gooni gooni ah oo xooga lagu saarayay sidii looga baaqsan lahaa dagaal mar kale magaaladaasi ka dhaca, waxaana labada Maamul ay isku raaceen in Ciidamada lakala qaado si xaalada loo dajiyo.
Dagalakii shalay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ayaa labada maamul midbo kan kale ku eedeeyay bilaabashadiisa, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay Guddiga nabadeynta u joogay Gaalkacyo oo ku aadan cida shalay Colaada bilowday.
Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntiland ayaa horey ugu heshiiyay hergalinta afar qodob ay kamid ahaayeen xabad joojin deg deg ah iyo in laklaa qaado Ciidamada labada maamul ee isku horfadhiya Magaalada Gaalkacyo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 13:56 and have
