daajis.com:- Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maanta ku dhowaaqay in mar kale uu yahay musharax u taaggan xilka madaxweynaha dalkaas.
Geelle, oo muuqaal uu kula hadlay shacabka Jabuuti soo dhigay youtube-ka ayaa sheegay inuu dhageystay dadweyne isu soo baxay, oo dalbaday inuu mar kale is-sharxo.
Madaxweynaha dalka Jabuuti, waxa uu sheegay inuu sidoo kale uu go’aankan qaatay isaga oo eegaya xaaladda dalka Jabuuti iyo xaaladda guud ee gobolka “Waxaan is lee yahay inaan dalka horumar gaarsiiyey, waxaana doonayaa inaan horumarkaas sii wado” ayuu yiri Ismaaciil Cumar Geelle.
Si kastaba Doorahada madaxtinimada dalka Jabuuti, ayaa waxaa lagu wadaa inay dhacdo Hadii alle Idmo bisha April ee sanadka 2016-ka.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 15:00 and have
