WAR DEG DEG AH Dagaal iyo duqeymo ka socda magaalada Gaalkacyo maanta

WAR DEG DEG AH Dagaal iyo duqeymo ka socda magaalada Gaalkacyo maanta

daajis.com:- Waxaa magaalada Gaalkacyo maanta dib ugu Bilowday  duqeyn xoogan oo loo adeegsanayo qoryaha waaweyn, Kuwaasi oo ku dhacay qaybo ka mid ah magaalada.

Duqaynta kadib ayaa waxaa halkaasi uu ka billawday dagaal toos ah oo u dhaxeeya ciidamada maamullada Puntland iyo Galmudug, xilli nabadeyn ay socotay.

Dagaalkaan ayaa ka billawday halkii ay isku horfadhiyeen Labada ciidan, sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah waxgaradka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo,   Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaan, waxaase la maqlayaa rasaas xooggan.

Waxaa soconeysa dadaallo la doonayo in xabadda lagu joojiyo oo ay wadaan xubno ka tirsan dowladda Federaalka, maamul gobaleedyada iyo Odayaal dhaqameed, Labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedaynayaa inuu Bilaabay Duqaynta, iyo Weerarka

Ugu danbayntii Waxaa la doonayay in maanta la kala qaado ciidamada Puntaland iyo Galmudug si loo fuliyo heshiiskii shalay ka dhacay Garoonka C/laahi Yuusuf ee Magaalada Gaalkacyo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada