daajis.com:- Waxaa dhowaan dagaal dhaliyey khasaare dhimasho, dhaawac, Burbur-bur Hantiyeed iyo Barakac uu ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka mudug, dagaalkaasi oo u dhexeeyay Ciidamada Puntland iyo Galmudug.
Hadaba dagaalka kadib madaxwaynaha Puntland ayaa wuxuu sheegay inaanu marnaba la fadhiisan doonin madaxwaynaha Galmudug, Sidoo kalana wuxuu go’aankaasi ku adkaystay markii uu tagay magaalada Gaalkacyo, Iyadoona uu ka biyo diiday Codsiyo uga yimid Raysalwasaaraha iyo madaxwaynaha Jubaland Axmed Madoobe.
Hadaba waxaa jiray warar kala duwan oo soo baxay kuwaasi oo sheegayey inay Xaaladu isbadashay markii uu magaalada Gaalkacyo yimid Gen: GABRA oo lagu eedeeyo inuu maamulo siyaasada dalka Soomaaliya.
Farshaxanka Soomaaliyeed ee Amiin Caamir ayaa dhankiisa wuxuu Sawir Gacmeed ku muujiyey Sidii wax uga dhaceen magaalada Gaalkacyo, Sidoo kalana waxaa Halkaasi ugu Ducaynaya Masuuliyiinta uu horay ugu gacan saydhay Cabdiwali Gaas.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK._____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 19:00 and have
