daajis.com:- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcale ayaa si farsameysan u beeniyay warkii uu maalmo ka hor ku dhawaaqay ee ahaa in dhismihii hore ee Ex- baarlamaanka uu ku wareejiyay milkiilaha Telefishinka Universal.
Yuusuf Madaale ayaa been abuur ku tilmaamay in maamulka gobolku uu dhismihii hore ee Baarlamaanka ku wareejiyay Telefishanka Universal, isla markaana si khaldan loo fasiray warkii uu sheegay, isagoo mar kale yiri “Xaruntaan waxaa loo beddeli doonaa jardiin lagu nasto oo dhir leh”.
Wuxuu sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu bilicda magaalada iyo xarumaha kale kala kaashanayo hay’addaha gaarka loo leeyahay iyo ganacsatada.
“Haddii aan ku heshiino inaad gurigaan iiriddiisa xaaqdid, micnaheedu maaha inaan kugu wareejiyay” ayuu yiri Guddoomiye Gobolka Banaadir Yuusuf Madaale.
Isbadalka Guddoomiyaha Gobolka ayaa ka danbeeyay qeyla dhaan bulshada ay ka muujisay tallaabadii uu ku wareejiyay Ex-Baarlamaan iyo baarlamaanka oo soo farageliyay, loogana baaqay inuu caddeeyo sababta ama awooda uu u leeyahay inuu bixiyo dhismo baarlamaan.
![](https://blogger.googleusercontent.com/img/b/R29vZ2xl/AVvXsEj5N8MnvY3OE_3ITXnbMpl6V1eCCixYX7Wck4ARpB6tfhS32IEYYii6dK8us4FPx7AW8plmyIeOPD3UVIjxE8LzvqPV1uqkXw1QYfyRQl-bRRGNy13bglwAen6Z7wFJXOUPX0Qou20BCUmJ/s1600/yusuf-madaale-1.jpg)
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:56 and have
, Published at