Daawo:- Magaalada Sharma El-Sheikh oo ay ka haajireen Dalxiisayaashii

Daawo:- Magaalada Sharma El-Sheikh oo ay ka haajireen Dalxiisayaashii

daajis.com:- Jariirada Daily Mail ee kasoo baxda dalka Ingiriiska, ayaa soo bandhigtay Sawirada magaalada Dalxiiska looga dambeeyo dalka Masar Sharma El-Sheikh oo haawaneysa oo ay ka haajireen dalxiisayaashii, kadib markii Bishii hore lasoo riday Diyaarad Xamuul oo uu Ruushka lahaa.

Wargeyska Daily Mail, ayaa warbixintiisa ciwaan uga dhigay, “Magaaladii laga kala guuray”, waxaana sawirada laga soo qaaday halkaas ay muujinaayaan sida ay u saameeyeen qaraxyada iyo dagaalada iyo soo ridistii Diyaarada Ruushka.

Sawirada ayaa waxaa ka muuqda Hoteelo laga haajiray iyo Xeeb cidlo ah, waxaana arintan sabab u ah amaan xumada soo wajahday Magaalada Sharma El-Sheikh, oo mar kamid ah meelaha dunida loogu dalxiiska jecelyahay.


Waxaa xusid mudan in sanadkii 2011 oo ah sanadkii uu bilaawday kacdoonka Masar, ay magaalada Sharma El-sheikh ay soo gaareen dalxiisayaal dhan 15 Million oo qof, halka sanadkii xigay tiradaas ay hoos ugu dhacday ilaa 9 Million oo ruux.


Daily Mail, ayaa daabacay in soo ridistii Diyaarada Ruushka iyo sheegashadii ururka ISIS, ay sabab u noqotay in shirkada duulimaadyada Britain iyo kuwo kaleba ay joojiyaan ineey safar ku tagaan magaalada.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada