Daawo Sawirada:- Qarax Qasaaro geestay oo ka dhacay Magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga

Daawo Sawirada:- Qarax Qasaaro geestay oo ka dhacay Magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga

daajis.com:- Waxaa Habeenimadii xalay qarax qasaaro geestay uu ka dhacay meel ku dhaw goob tareenada laga raaco oo kutaala Bartamaha Magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga.

Qaraxan ayaa ahaa bambaanada nuuca gacanta lagu sameeyo oo lasoo dhigay goob aad ugu dhaw xarunta tareenada laga raaco ee Bayrampasa Metro station ee Magaalada Istanbuul.

Inta la xaqiijiyay Shan qof ayaa dhaawacyo kala duwan uu kasoo gaaray qaraxaasi xalay ka dhacay Magaalada Istanbuul, mana jirto ilaa hada cid si rasmi ah u sheegatay masuuliyada qaraxaasi xalay ka dhacay Turkiga.

Kooxda Daacish ayaa horey u sheegatay masuuliyada qaraxyo qasaaro badan geestay oo ka dhacay Gudaha Dalka Siiriya, waxaana qaraxan hadana lagu tuhmayaa in ay kooxdaasi ka dambeyso inkastoo aysan wali sheegan.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada