Daawo Nairobi: Howlgal tijaabo ahaa oo sababay in arday jaamacadda Strathmore iska soo tuuraan dabaqa

Daawo Nairobi: Howlgal tijaabo ahaa oo sababay in arday jaamacadda Strathmore iska soo tuuraan dabaqa

daajis.com:- Howlgal lagu tijaabinayay feejignaanta ardayda wax ka dhigta jaamacadda Strathmore ee ku taal magaalada Nairobi ayaa waxaa ku dhintay hal, 20 kalena waa ku dhaawacmeen kadib markii ciidamada amaanka oo kedis ah kusoo galay jaamacadda iyagoo rasaas kor u ridayay.

Howlgalkaan oo ahaa mid mala-awaal ayaa lagu tijaabinayay oo lagu ogaanayay sidii aryday jaamacadda Strathmore ugu jawaab celin lahaayeen haddii uu weerar argagixiso ka dhaco jaamacadda.


Ciidamada amaanka oo aan howlgalkaasi cidna ku war gelin ayaa waxay ardaydii ku dhaawacantay ay qaarkood iska soo tuureen dabaqyada sare ee jaamacadda, halka qofka dumarka ay ku dhimaday isbuurasho ay sameeyeen ardayda.

Japheth Koome oo ah Taliyaha ciidamada Booliska ee gobolka Nairobi, ayaa howl-galkaas ku sheegay inuu ahaa mid sharciga waafaqsan oo lagu eegayay feejignaanta ardayda tirada badan ee Jaamacadaas wax ka barato.

Howlgalkaan tijaabada ah ayaa ujeedadii laga lahaa uu ahaa in lagu arko haddii kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab weerar kusoo qaadaan jaamacadda sidii ay ardayda ugu fal celin lahaayeen.

Horay ayaa Al-Shabaab waxay weerar naxariis daran ay ugu geysaday jaamacadda Gaarisa, halkaasoo ay ku dileen arday fara badan.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada