daajis.com:- Wararka naga soo gaaraya magaalooyinka Kismaayo ee xarunta Jubbada hoose iyo magaalada Jigjiga ee xarunta dowladda deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa sheegaya in ciidamo xoogan oo gurmad u ah kuwa Puntland laga daadgureynayo magaalooyinkaas.
ciidamadan ayaa ku wajahan magaalda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug si ay ugu barbar dagaalamaan kuwa maamulka Puntland oo dagaalkii shalay jab iyo khasaara xoogan uu ka soo gaaray.
Sarkaal ka tirsan ciidamada lagu diyaarinayo magaalada Kismaayo ayaa si hoose warbaahinta ugu sheegay in maamulka Puntland uu codsi u soo dirsaday hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”, wuxuuna sarkaalkan oo diiday in magaciisa loo adeegsado warbaahinta uu intaa ku daray in Axmed Madoobe uu ka aqbalay codsiga Madaxweynaha Maamulka Punland C/wali Gaas waa siduu hadalka u dhigay.
Sido kale sarkaalkan ayaa sheegay in ciidamo kale oo ka dhinac dagaalami doono kuwa P/land iyo Jubba laga keenayo dhanka magaalada Jigjiga.
Ciidamadan iyo hubkan la soo daabulayo ayaa ku soo aaday xili shalay dagaal kulul uu ka qarxay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug kaas oo u dhaxeeya maamulada Galmudug iyo Puntland.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 19:00 and have

