DEG DEG: Daacish oo la wareegtay Gobol ku yaalla Soomaaliya

DEG DEG: Daacish oo la wareegtay Gobol ku yaalla Soomaaliya

daajis.com:- Ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa waxay usheegeen   Baxdo.com in Dagaalamayaal daacad u ah Kooxda Daacish ay la wareegeen gobol ku yaalla Dalka Soomaaliya.

Wararka waxay sheegayaan in Daacish ay ku biireen Rag ka goostay Al Shabaab kuwaasi oo fikirkooda la dhacay kana baxay mabda’ii ay Shabaabka Soomaaliya aaminsanaayeen.

Deegaano ay Shabaabku kaga sugnaayeen Gobolka Gedo waxa lasoo warinayaa in hadda ay qabsadeen Dagaalamayaasha Daacish ku biiray ee Gobolkaasi kusugnaa.

Mahad Maxamed Cumar oo ka mid ah Saraakiisha Dawlada Soomaaliya Ee Kusugan Gobolka Gedo ayaa xaqiijiyey jiritaanka warkaan,isagoo xusay in Shabaabka iyo kuwa Daacish ku biiray xurguf xoogan ay ka dhex taagan tahay lagana cabsi qabo inay dagaalamaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada