DAAWO SAWIRADA: Dad Shacab ah oo lagu Xasuuqa Dalka Jabuuti.

DAAWO SAWIRADA: Dad Shacab ah oo lagu Xasuuqa Dalka Jabuuti.

daajis.com:- Ugu yaraan 15 Ruux oo shacab ahaa ayaa dhintay kadib markii Ciidamada amaanka ee Dalka Jabuuti ay rasaas ku fureen Tobanaan qof oo ku sugnaa goob lagu xusayay Mowliidka Nabiga (NNKH).

Wararka ayaa sheegaya in Rasaastaasi ay ka dhalatay iska horimaad dhexmaray Ciidamada amaanka ee iyo Dadkii halkaasi ku xusayay Nabiga waxaana sidoo kale halkaasi ku dhaawacmay ku dhaawaad 36 Ruux oo ka mid ahaa Saraakiisha Booliska Dalkaasi.

Taliyaha Ciidamada Booliska Magaalada Jabuuti , Cabdulllahi Cabdi Faarax oo la hadlay BBC-da ayaa beeniyay in Dadka halkaasi ku dhintay ay ahaayeen Shacab waxuuna Dadkaasi ku tilmaamay Banaabaxayaal hubeysnaa.

Taliye Cabdulllahi Cabdi Faarax ayaa ku tilmaamay Dadkaasi ku ay soo hubeeyeen Mucaaradka Dalka isagoona xusay in Ciidamada amaanka ay iska caabiyeen.

Magaalada Jabuuti waxaa Saldhig militari oo weyn ku leh militariga Dalka Mareykanka kuwaasi oo halkaasi ka soo qaada Weerarada xagga cirka oo inta badan lagu beegsado Hogaamiyeyaasha Ururka Al Shabaab.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada