VIDEO:- Qoys Soomaali ah oo Gurigooda Lagu Weeraray Dalka Holland

VIDEO:- Qoys Soomaali ah oo Gurigooda Lagu Weeraray Dalka Holland

daajis.com:- Reer Soomaali ah oo kunool tuulada Pannerden ee Dalka Holland ayaa waxaa la soo gudboonaaday arin aad uga nixisay, kadib markii ay gurigaasi weerar ku qaadeen kooxo cunsuriyiin ah oo kasoo horjeeda dadka soo galootiga ah ee dalkaasi yimaada.

Dhalinyaradan Cunsuriyiinta ah ee weeraray guriga ay dagnaayeen qoyska Soomaaliyeed ayaa loo malaynayaa inay taageeraan Xisbiga Cunsuriinta ee PVV, waxaana Guriga la weeraray sidoo kale lagu dhajiyay Sawirka Hoggaamiyaha Xisbiga Cunsuriyadda ee PVV ninka lagu magacaabo Geert Wilders.

Sida kale Koo kale kooxaha Cunsuriyiinta ah ee gubay guriga Qoyska Soomaaliyeed kunoolaayeen ayaa ku qoray darbiga gurigaasi Fariimo xumbaarsan naceyb, waxaana fariimaha lagu qoray kamid ahaa ”qaxootiga waa in aad baxdaan, cadaanka ayaa fiican iyo ereyo kale.

Dadka ku dhaqan Deegaanka ay ku noolaayeen Qoyska Soomaaliyeed ayaa taageero u muujiyay qoyskaasi, waxa ayna dareensiiyeen sida ay uga xunyihiin falka cunsuriyada ah ee lagu weeraray guriga qoyska Soomaalida ay deganaayeen.


Duqda Degmadda Rijnwaarden oo laga xukumo Deegaanka Pannerden, Ella Schad , oo ka hadlay dhacdadan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay, iyadoona Booliska ku amartay inay dag deg u soo qabtaan qolyihii weerarkan ka danbeeyay.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada