daajis.com:- Mid ka mid ah dalalka Dunida ugu caansan ayaa maanta ku dhawaaqay in ay dhalashada Baasaboorada wadankooda dib kaga ceshan doonaan dagaalyahanada labada Baasaboor wata ee ku biiray kooxda Daacish iyo kooxaha kale ee caalamka ka dagaalama .
Mr.George Brandis oo ah masuul u hadlay dalka Australia ayaa shaaciyay in ay soo rogeen sharci cusub waliba ay dhalashada Baasaboorada dalka Australia kala laaban doonaan rag ajaanib u badan oo dhalashada wadankaas qaatay ka dibna ku biiray kooxda Daacish .
In ka badan 110 dagaalyahan oo wata dhalashada wadanka Australia ayaa ka baxsaday dalka Australia waxeeyna iminka u dagaalamaan kooxda ISIS oo awood badan ku leh dalalka Siiriya iyo Ciraaq .
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:00 and have
, Published at