Daawo Warbixin: Ninkii Gubay Maqaayad ay Soomaalidu ku lahayd Mareykan oo la amray in lasoo xiro

Daawo Warbixin: Ninkii Gubay Maqaayad ay Soomaalidu ku lahayd Mareykan oo la amray in lasoo xiro

daajis.com:- Ciidamada booliiska magaaladda Grand Forks ee Gobalka North Dakota ee dalka Maraykanka, ayaa baadi goob ugu jira nin la rumeesan yahay in uu ka dambeeyay dab dhawaan la qabad siiyay Maqaayad ay ganacsato Soomaaliyeed ku laheed magaaladda Grand Forks.

Maxkamada Magaalada Grand Forks oo loo gudbiyay kiiska eedeesanaha ayaa ku amartay ciidamada booliiska in ay gacanta kuso dhigaan Mathew William Gust oo 25-jir ah oo ku eedeesan in uu dab qabadsiiyay Maqaayad lagu magacaabo Jubba Coffe House and Restauran.

Baaritaano lagu sameeyay Maqaayada Soomaalidu laheed ee la gubay ayaa lagu ogaaday in gubitaanka loo geestay baarkaasi loo adeegsady dhalooyin gaas ku jireen.

Muuqaalo ay duubeen kaamirooyin ku xirnaa wadada ay kutaalo maqaayada la gubay ee Jubba Coffe House and Restauran, ayaa laga dhax arkay ninkan hada Maxkamadu amartay in lasoo xiro laguna tuhmayo in uu isagu ka dambeeyay falkaasi.

Milkiilaha Maqaayada la gubay ayaa sheegay in qasaaraha kasoo gaaray dabkaasi maqaayada la qabadsiiyay ay gaareyso 90,000 oo Dollar, waxa uuna ku baqaay in cadaalada la horkeeno cidii ka dambeysay falkaasi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada