daajis.com:- Qarax nooca bambada gacanta laga tuuro ayaa lagu weeraray masjidka Anwar ee ku yaal suuqa Markaato, kaasoo ah masjidka ugu weyn Itoobiya.
24 qof ayaa ku dhaawacantay qaraxaani, iyadoo shan ka mid ah ay yihiin xaaladooda mid culus. waxaana qaraxaan lagu xili salaadii maqrib ee xalay dadku ku jireen.
Wasiirka warfaafinta Itoobiya, Getachew Reda ayaa sheegay inaysan weli ogeyn cida ka dambeysa qaraxan, balse wuxuu sheegay inay socdaan baaritaanno ku aaddan qaraxa iyo ciddii mas’uulka ka ahayd.
anwar_mosqueMa jirto cid sheegaday mas’uuliyada qaraxaan, waxaana socda baaritaano ay ciidamada amaanka wadaan.
Goobta uu masjidka Anwar ku yaal oo ah suuqa ugu weyn bariga Afrika ayaa lagu magacaabaa Markaato, waxaana ku xoogan Muslimiinta Itoobiya oo hantidada ugu badan ku leh.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:00 and have
, Published at