daajis.com:- Dagaalamayaasha Daacish ayaa cadaadis kala kulmayaan dagaalada ka socda Ciraaq iyo Siiriya.
La-taliyaha Muftiga dalka Masar, Dr. Ibrahim Najam ayaa laga soo xigtay in dagaalamayaasha Daacish laga yaabo inay ku jabeen dalal kale si ay uga soo baxsadaan Siiriya iyo Ciraaq.
Dr. Ibrahim Najam wuxuu sheegay in Dagaalyahanada Daacish u soo jiheysteen dalalka Soomaaalia, Nigeria iyo Liibiya si ay uga sii wadaan dagaaladooda.
Warkaan wuxuu ku soo aadaya xili bilihii ugu danbeeyay aad looga hadal hayay Soomaaliya in Daacish taageerayaal ku yeelatay qaasatan dagaalamayaasha alshabaab ka farcameen kuwa wata fikrika Daacish.
Dhanka Alshabaab waxay muujiyeen inay ka go’antahay inay la dagaalaan oo qudha ka jaraan cid kasta oo ku biirta Daacish iyagoo adkeynaya heshiis ay hore ula saxiixdeen Al-qaacida
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:30 and have
, Published at