Maareeye oo difaacay Xeerka saxaafada ee Baarlamanku ansixiyay

Maareeye oo difaacay Xeerka saxaafada ee Baarlamanku ansixiyay

daajis.com:- Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta bahda warfaafinta Shir jaraa’id ugu qabtay Xafiiskiisa ayaa ka hadlay Sharciga Cusub ee Saxaafadda oo dhawaan Baarlamanka Soomaaliya uu Ansixiyay.

“Waxaan u mahadcelinayaa  Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan Guddiga Warfaafinta ee Baarlamaanka  oo runtii Xoog badan saaray  in ay kabaan sharcigii ka soo Gudbay Golaha Wasiirrada iyo Dhammaan intii ka soo shaqeysay diyaarinta sharcigaan” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Wasiirka Maareeye ayaa soo dhaweyn kaddib ku tilmaamay sharcigaan cusub ee Saxaafadda in uu fursad siindoono wariyayaasha Soomaaliyeed isla markaana uu sahli doono in si fudud ay Awood Ballaaran ugu yeeshaan qabsashada shaqadooda.

“ku dhawaad 9 sano ayuu ku wareegayay  Sharcigaan bahda uu quseeyo Sida Dowladda, Warbaahinta Madaxa bannaan ee Soomaaliyeed, Dhageystayaasha, kulamo Badan iyo wada-tashiyo kaddibna  ugu Dambayntiine waxa uu maray Sharcigaan in Baarlamaanka uu meelmariyo”

Sharciga Cusub ee Saxaafadda  Soomaaliya ayaa ansixintiisii Baarlamaanka kahor waxa uu soo maray Marxalado kala duwan  oo sababay in dhowr jeer uu dib udhac ku yimaado.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada