daajis.com:- Wararka naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in dagaal ciidamada DF iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab lagu dilay sarkaal Cadaan ah oo ka garab dagaalamayay Al-shabaab.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in ciidamada is garabsanaya ay weerar ku qaadeen deegaan ku yaal duleedka Buuloburte, halkaasoo Al-shabaab ay dadka deegaanka ka aruursanayeen Zakawaat.
Iska hor’imaadka dhexmaray labada dhinac ayaa dhaliyay dhimasho iyo dhaawac farabadan, waxaana lagu dilay sarkaal ajnabi ahaa oo ka garab dagaalamayay Al-shabaab.
Al-shabaab ayaan wali wax war ah kasoo saarin dhimashada sarkaalkan ajnabiga ah ee laga dilay.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:30 and have
, Published at