daajis.com:- Dowlada Federaalka Soomaliya ayaa si Rasmi ah u shaacisay in Gogasha shirka Maamul u sameeynt Gobollada Hiiraan iyo shabeellaha dhexe lagu qaban doono Magaalada Jowhar halka Caasimada Dowlada Goboleedka laga dhigi doono Magalaada Bula burde ee Gobolka Hiiran.
Madaxweynaha Soomaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Gogasha shirka Maamulka u sameeynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe lagu qaban doon Magalaada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Hoose islamarkana Caasimada Dowlada Goboleedka Hiiraan iyo shabeellaha dhexe ay tahay Magaalada Bula burde ee Gobolka Hiiraan.
Waxgaradka Gobolka Hiiraan ayaa u muuqada kuwa ka biya diidsan hadalka Madaxweynaha Soomaliya Xassan Sheekh Maxamuud ee ah in Gogasha shirka lagu qabto Magalaada Jowhar iyado Magalaada Baladweyne muddo ka badan Sideed Bilod ay talo Gogasha shirka Maamulka labada Gobol.
Dhismaha Maamul Goboleedka Hiiraan iyo shabeellaha dhexe ayaa waxaa ku hor gudban Caqabado Fara badan iyado dhismaha Maamulka labada Gobol lagu waday in la soo afjaro bishan December. Lama oga sida xaalku noqon doono Malmaha soo socda odayasha iyo waxgaradka Gobolka Hiiraan oo qarkood la hadlay Hiiraan Xog ayaa ka biyo diidsan halka Madaxweynaha ee Soomaliya eek u Saabsan in Gogasha shirka lagu qabto Magalaada Jowhar islamarkana Caasimada labada Gobol laga dhigay degmada Bula burde ee Gobolka Hiiraan
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:20 and have
, Published at