Is afgarad La’aan Weli ka Taagan Nooca Doorasho ee Sanadka 2016

Is afgarad La’aan Weli ka Taagan Nooca Doorasho ee Sanadka 2016

daajis.com:- Waxaa maanta mar kale dib u dhac ku yimid Xiritaanka shirkii looga wada hadlayay nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa sanadka 2016-ka, shirkan ayaa maalin kahor Muqdisho uga furmay Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka ka jira.

Sida qorshuhu ahaa shalay ayaa lagu waday in Shirka lasoo gabagabeeyo lagana soo saaro Warmurtiyeed lagu cadeynayo nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa marka la gaaro sanadka 2016-ka.

Dowladda Federaalka iyo Madaxda Maamul goboleedyada dalka ka jira ayaa wali isku mari la’ habka loo marayo awood qaybsiga dalka marka la gaaro sanada 2016-ka, waxaana hada miiska saaran in doorashada lagu saleeyo qaab deegaan ama nidaamka loo yaqaan 4.5.
Madaxda Maamul goboleedyada Puntiland iyo Jubbaland ayaa ku dhagan in doorashada lagu saleeyo qaab deegaan halka madaxda Galmudug iyo Koonfur Galbeed iyana ku taliyeen kuna adkeesanayaan in doorashada loo maro habka qabaa’ilka ee 4.5 ee ku dhisan tahay dowlada hada jirta.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada