Sacuudiga Oo Isbaheysi Islami oo Soomaaliya ay kamid tahay Ku Dhowaaqay

Sacuudiga Oo Isbaheysi Islami oo Soomaaliya ay kamid tahay Ku Dhowaaqay

daajis.com:- Saudi Arabia ayaa talaadada ku dhowaaqday wax ay ugu yeertay Isbaheysi Milatari oo Islaami ah oo ka kooban 34 dal, si uu ula dagaalamo argagixisada.

Wakaaladda wararka dowladda Sacuudiga ee SPA ayaa daabacday bayaan lagu sheegay in hindisahan uu ku jiri doono sameynta xarun isku xirta howlgallada milatari ee isbaheysigan oo laga sameynayo magaalada Riyad.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in “Argagixisada ay tahay xadgudub daran oo ka dhan ah xuquuqda iyo sharafta bani aadamka, gaar ahaan xuquuqda nololeed iyo tan ammaan”, islamarkaana in “Ficillada musuq-maasuqa iyo argagixisanimada aan sinaba loogu cudur daari karin”.

Dhaxal sugaha labaad ee Sacudiga ahna wasiirka gaashaandhigga Maxamed Bin Salman ayaa shir jaraa’id ka sheegay in aan diiradda la saari doonin oo kaliya hal urur oo argagixiso oo kaliya.

Isbaheysigan ayaa waxaa ku jira dalalka Jordan, Bahrain, Turkey iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta, oo iminka weeraro duqeyn ah ka fulinaya dalka Syria, ayaga oo qeyb ka ah xulufada Mareykanka uu hogaaminayo  ee la dagaalamaya kooxda Daacish.

Waxaa sidoo kale ku jira dalalka Tunisia, Lebanon, Libya, Egypt, Pakistan, Bangladesh, Malaysia, Sudan, Somalia, Mali iyo Nigeria.
  FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada