daajis.com:- Waxaa maanta mar kale dib leysugu hor fadhiyaa shirkii hiigsiga 2016 oo la isku mari waayay maalmihii la soo dhaafay.
Shirka oo ah mid aad u kulul, ayaa markii ugu horreysay lala kala saftay Sharif Xasan iyo Cabdwali Gaas.
Madaxweyna Xasan Sheekh ayaa si toos ah u taageeray fekerka 4.5 kaasoo ahaa feker uu watay Sharif Xasan Sh. Adan. Shirka maanta ayaa hadallo kul-kulul leysku dhaafsaday.
Arrintan oo aad uga careysiisay Madaxa Puntland ee shirka Cabdiwali Gaas ayaa ku goodinayo in haddii aanan la qaadan hannaanka doorashooyinka ee ku saleysan degmooyinka, uu gebi ahaanba xiriirka u jari doono Dowladda Federaalka, xildhibaanada ka soo jeeda Puntland aay gebi ahaanba isaga bixi doonaan Muqdisho.
Waxaa dad badani aay aaminsan yihiin in sababaha ugu waaweyn ee Xasan Sheekh uu u rabo hannaanka 4.5 in aay tahay in uu isaga gacantiisa ku soo xusho oday dhaqameedyada beelaha Hawiye si uu markaa u kordhiyo fursadiisa in mar kale dib loo soo doorto.
Shariif Xasan Sheekh Aadn ayaa isagu aaminsan in beesha uu matalo ee Digil & Mirifle aanay wax faa’iido ah ku qabin in degmo wax lagu soo doorto, waayo run ahaantii degmooyinka aay gooni u degaan ayaanan ka badneyn lix (6) degmo. taasoo wiiqi doonta awoodda siyaasadeed ee Shariif Xasan.
Haddii aay dhacdo in lagu soo doorto qaab degmo xildhibaanada 2016 ayaa waxaa aay noqon doonaa qaabka iyo tirada aay kala helayaan qabaa’ilada sida hoos ku xusan. Akhristow xogtan ma aha mid cilmi baaris ee qiyaas haddii lagu saleeyo doorashada qaab degmo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 04:30 and have
, Published at