daajis.com:- Dagaal xoogan ayaa waxa uu ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan kaasi oo u dhexeeyay Ciidamada Dowlada oo garab ka helaaya kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah Amisom iyo Xoogaga Alshabaab oo dhinac ah.
Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Baar oo dhinaca Galbeed kaga beegan magaalada Beledweyne.
Dagaalka ayaa waxaa leysu adeegsaday Hubka fudud waxa uuna dagaalkaasi socday kudhawaad Saacad isaga oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalka ayaa imaaday ka gadaal markii Alshabaab ay wadada u galeen kolonyo gaadiid Dagaal oo sahay u waday ciidamo ku sugan deegaanka Ceel Cali.
Saraakiisha Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowlada ayaa sheegay in dagaalka ay ku dileen ugu yaraan 10 kamid ah Dagaalyahaanada Alshabaab ee weerarka soo qaaday islamarkaana ay horay usii wateen socdaalkooda.
Alshabaab ayaan dhankooda wali ka hadal wararka kasoo yeeraya Saraakiisha Amisom iyo kuwa Dowlada ee ah in dagaalkaasi ay ku dileen Dagaalyahaano badan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 01:15 and have

