Daawo:- Danjiraha cusub ee Midowga Afrika oo xilka la wareegay soona gaaray Muqdisho

Daawo:- Danjiraha cusub ee Midowga Afrika oo xilka la wareegay soona gaaray Muqdisho

daajis.com:- Ergayga cusub ee xafiiska midowga Afrika loo soo magacaabay 7 bishii Oktoobar ayaa maanta si rasmi ah xilkiisa ula wareegay, waxaana maanta oo uu soo gaaray Muqdisho garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyay saraakiisha ugu sareysa AMISOM.

Danjire Francisco Caetano Jose Madeira ayaa badalay ergaygii hore ee Midowga Afrika iyo xafiiska howlgalka AMISOM Maman Sidikou.

“Waxaan xilkan la wareegay xaalad adag oo Soomaaliya ay ku jirto, xili dalku isu diyaarinayo doorashooyinka sanadka danbe. Waxaan muhimadda siineynaa in aan xaqiijino anaga iyo ciidanka Soomaaliya, xaaladdana ka dhigno mid degan iyo dhismaha qaranka, ayuu yiri danjire cusub.

Francisco Caetano Jose Madeira ayaa wuxuu horay Midowga Afrika danjire ugu ahaa dalka Aljeeriya, sidoo kale dalkiisa Mazambique ayuu danjire ugu ahaa dhowr dal oo caalamka ka tirsan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada