Wasiirada amniga Soomaaliya & Masar oo kulmay

Wasiirada amniga Soomaaliya & Masar oo kulmay

daajis.com:- Wasiirka arimaha gudaha ee dalka  Masar Magdy Abdel Ghaafar ayaa xafiiskiisa magaalada Qaahira  ku qaabiley wasiirka amniga gudaha ee Soomaaliya ayagoo ka wada hadlay arimaha la dagaalanka argagaxisada sida ay soo warisay majalada Al-Ahram ee dalkaasi ka soo baxda.

Mudane C/rasaaq Cumar Maxamed wasiirka amniga gudaha ayaa dhigiisa u muujiyay sida  laamaha amniga ee Soomaaliya ay ugu faa’ideysan karaan khibrada ay leeyihiin kuwa dalka Masar.

Labada dal Soomaaliya iyo Masar ayaa dagaal kula jira maleeshiyaad maxali ah oo aaminsan afkaarta argagaxisnimada.


Dowladda Soomaaliya ayaa dagaal kula jira maleeshiyaadka ururka Al-Shabab kuwaas oo dhibaato xoogan ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Masar ayaa dagaal ku jirta muddo 10 sano ku dhow maleeshiyaad ka soo horjeeda xukuumadda dalkaasi ka aramisa kuwaas oo ka dagaalama waqooyiga jaziirada Siinaa, waxaana dagaalkaasi uu xoogeystay labadii sano ee la soo dhaafay markii ay ciidanka dalka Masar ay afgembiyeen madaxweynihii dalkaasi Maxamed Mursi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada