Daawo:- SHARIIF Xasan oo Sheegay in Go’aanka Ogaadeen aysan aqbali doonin

Daawo:- SHARIIF Xasan oo Sheegay in Go’aanka Ogaadeen aysan aqbali doonin

daajis.com:- Maamulka Koofur Galbeed ayaa ka jawaabay isbaheysiga ka socdo seddex degmo oo ka tirsan gobolka Bakool oo ay wadeen beesha Ogaadeen oo dega degmooyinka Yeed, Ceel Barde iyo degmada Aato.

Maamulka Koofur galbeed ayaa sheegay in wax soconayo aysan noqon doonin shirarka ka socdo magaalada Ceelbarde ee gobolka Bakool oo la doonayo in lagu sameeyo maamul ka madax banaan maamulka Koofur Galbeed ee ka dhisan Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool.

Wasiirka warfaafinta maamulka Koofur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed, ayaa si cad u sheegay in marnaba aysan aqbali doonin in deegaanada gobolka Bakool laga sameeyo maamul ka madax banaan maamulka Koofur Galbeed oo uu sheegay in si sharci ah lagu dhisay.

Xasan Cabdi Maxamed ayaa Xusay in Degmooyinka ay ka mid yihiin Aato,Ceel-barde iyo Yeed ay ku sugan yihiin Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Siyaasiin qaab qabiil isku Abaabulay oo u jeedkoodu yahay in ay Dadka Shacabka ah marin habaabiyan.


Degaanada qaar ee dhaca Waqooyiga Gobolka Bakool ayaa waxaa ka socda Qorshe Maamul ka madax banaan Koofur Galbeed lagu sameynayo , oo ay wadaan xildhibaano kasoo jeeda Beesha Ogaadeen, Kuwaasi oo mudooyinkii ugu danbeeyay Warbaahinta usoo bandhigayey Tabashooyinkooda.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada