XOG: Guddigii baarayey dilka uu guddoomiyaha gobolka Hiiraan geystay oo war culus soo saaray

XOG: Guddigii baarayey dilka uu guddoomiyaha gobolka Hiiraan geystay oo war culus soo saaray

daajis.com:- Guddi ka kooban Hay’adda Nabadsugidda Qaranka iyo xafiiska xeer ilaalinta oo ah kii labaad ayaa socdaal ay ku tageen magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxay baaritaan hor leh ku sameeyeen kiiska dilka sarkaalkii u shaqeynayay Hay’adda Miino baarista UN-ka Mahdi Sheekhaalow ee lagu dilay magaalada B/weyne.

Guddigan oo ahaa mid 7 xubnood ka kooban ayaa warbixintooda u gudbiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana go’aanka guddigani noqday in xasaanada iyo xilka laga qaado guddoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax oo hadda ku sugan Muqdisho, iyadoo sidoo kale saddex ka mida saraakiisha ugu sareysa ilaaladiisu amrtay in la soo xiro.

Guddiga ayaa qoraalkooda ku caddeeyay inay helaan in si toos ah dilka Mahdi Sheekhaalow ay ugu lug leeyihiin madaxa gobolka iyo saraakiisha ilaaada u ah iyagoo si dacwada loo sii wado u soo jeediyay madaxweynaha inuu xilka ka qaado Guddoomiye C/fataax Xasan Afrax.

Lama oga sida uu madaxweyne Xasan Sheekh ka yeelayo arrintan iyadoo ay tahay markii labaad ee arrinta kiiskan guddi loo saaro ay ku taliyaan in la xiro guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada