daajis.com:- Maanta Waxaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Ee Aadan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde ka furmaya Shirka Wada-tashiga Ee Heer qaran,kaas oo ay ka qeyb galayaan Madaxda Dowlaadda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada Soomaaliya,kuwa Dowladda Federaalka Xubnaha ka ah.
Shirka oo ah mid looga hadlayo Nuuca Doorasho ee Soomaaliya ka dhici karta Marka ay dhamaato Waqtiga Dowladda hadda jirta ayaa ah mid sidoo kale Talada wax laga siinayo Ururada Bulshada Rayidka ah.
Amaanka Garoonka Diyaaradaha Ee Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay,iyadoo Ciidamo badan la soo dhigay Wadooyinka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Ee Aadan Cadde.
madaxda Dowlada Soomaaliya iyo Masuuliyiinta Maamul Gobaleedyada ayaa hada waxaa ay ku Sii Qul-qulayaan garoonka Diyaardaha Ee Muqdisho oo halkaasi ay ku Sugan yihiin Madaxda ka socota Beesha Calaamka,Maadaama ay Taageero dheeraad ah ay siiyaan Dowlada Soomaliya,Taasi ay keentay in ergooyinka beesha Calaamka loogu Tago garoonka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:30 and have
, Published at