daajis.com:-Toban arrimood oo Donald Trump rumaysanyahay
Donald Trump oo ku rajo wayn in uu noqdo murashaxa madaxwaynenimada ee xisbiga
Republican-ka ayaa ku baaqay in la hakiyo Muslimiinta soo galaya Maraykanka, waxa uu ka hadlayay dadkii tirada badnaa ee lagu laayay California
waa kuwan toban arrimood oo kale oo ka mid ah siyaasaddiisa ama waxyaabaha uu rumaysanyahay:
1. In masaajidda Muslimiinta Maraykanka la basaaso. Trump wuxuu rumaysanyahay in laamaha ammaanku ay dabogalaan Muslimiinta arrintaasna loo adeegsado argagixo ka hor tagid ahaan, wuxuu sheegay in uusan dan ka lahayn haddii siyaasad ahaan loo arko in ay khalad tahay in masaajidda lala socdo.
2. In maraykanku ciqaab ahaan u adeegsado biyaha la isku hafiyo iyo qaababka kale ee jir dilka daran ah marka lala dagaalamayo Dawladda Islaamka, wuxuu sheegay in ay wax yar noqonayso taasi marka loo barbar dhigo xeeladaha ay adeegsadaan sida in qof qoorta laga gooyo.
3. In Trump uu cadaabi doono Dawladda Islaamka. Wuxuu sheegtay in uusan jirin Murashax kale oo uga gacan kululaanlahaa Dawladda Islaamka isla markaasna uu wiiqi lahaa uuna meesha ka saari lahaa in ay shidaal gacanta ku hayaan.
4. Wuxuu doonayaa in uu darbi wayn, oo waliba aad u wayn in uu ka dhex dhiso Maraykanka iyo Mexico si uu meesha uga saaro dadka muhaajiriinta ah ee aan sharciyada wadanin.
Trump wuxuu tilmaamay in dadka Mexican ah ee imanaya Maraykanku ay intooda badan yihiin dambiileyaal.
Wuxuu sheegay in ay dalka keenayaan dambiyo, daroogo waana dad wax kufsada ayuu yiri, wuxuu aaminsanyahay in lacagtaasi darbiga lagu dhisayo ay bixiso dawladda Mexico, BBC-du waxay kharashka darbigaasi ku qiyaastay 2.2 bilyan oo doolar.
5. In mar qura la masaafuriyo dad lagu qiyaaay 11 milyan oo muhaajiriin sharcidaro ah oo Maraykanka ku nool, arrintaas oo lagu tilmaamay mid cunsuriyad ku dheehantahay isla markaasna ay kharash badani ku kacayso, BBC-du waxay ku qiyaastay in arrintaas ay ku kacayso 114 bilyan oo doolar.
Waxaa kale oo uu sheegay in uu soo afjari lahaa xaqa uu muwaadin ku noqonayo cunuga ku dhasha dalka Maraykanka, sharcigaas oo dhalasho siinaya caruurta Maraykanka ku dhalata ee ay dhalaan muhaajiriinta sharcidarada ah.
6. Isaga iyo Putin aad bay isugu fiicnaan lahaayeen. waraysi uu siiyay CNN, wuxuu ku sheegay in Obama iyo Putin ay aad u necebyihiin in ay wadahadlaan, laakiin isaga ay isku fiicnaanlahaayeen, umana malaynayo ayuu yiri in ay sii jiri lahayd dhibaatada hadda jirta.
7. In uu shiinaha kala xisaabtami lahaa arrimo dhawr ah si ganacsiga Maraykanka iyo Shiinuhu uu u noqdo mid siman. Wuxuu sheegay hadii la doorto in uu joojindoono in shiinuhu uu hoos u dhigo qiimaha lacagtiisa uuna ku qasbi lahaa in uu sare u qaado wax ka qabashada deegaanka iyo heerka nolosha dadka muruqmaalka ah.
8. Isbadalka Cimiladu waa hawo. Inkasta oo uu Trump aaminsanyahay in la helo hawo iyo biyo nadiif ah, wuxuuse meesha ka saaray sayniska isbadalka cimilada adduunka wuxuuna ku tilmaamay waxba kama jiraan, wuxuu rumaysanyahay in xayiraadaha deegaanka ee ganacsiyada lagu soo rogayo in ay ka dhigayaan kuwo aan ka tartami Karin caalamka.
9. Adduunku sidan wuu ka wanaagsanaan lahaa haddii ay talada hayn lahaayeen Saddaam Xuseen iyo Mucammar Qadaafi. Trump wuxuu CNN u sheegay in uu rumaysanyahay in xaaladda Liibiya iyo Ciraaq ay aad uga xun yihiin sidii ay ahaayeen markii ay noolaayeen labadaas kaligood taliye.
10.Waa nin “aad u wanaagsan”. Buug uu dhawaan qoray Trump oo la dhoho, Crippled America, wuxuu ku qoray in uu nin wanaagsan yahay, I aamin ayuu yiri waan ku faraxsanahay naftayda maadaama oo aan qof wanaagsan ahay sidoo kalne waxaan dulqaad u leeyahay igana go’an in aan markale dalkeena ka dhigo mid heer sare ah.
Xigasho: BBC
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 14:32 and have
, Published at