AL Shabaab oo la Wareegtay Xarunta Ciidamada Kenya ee Degaanka Ceel-Cadde (VIDEO)

AL Shabaab oo la Wareegtay Xarunta Ciidamada Kenya ee Degaanka Ceel-Cadde (VIDEO)

daajis.com:- Wararka laga helayo Baraha Media-ha ee Al-Shabaab iyo warbaahinta Dalka iyo dibadda ayaa sheegaya in maanta dagaalyahano ka tirsan ururka Al Shabaab ay la wareegeen Xarun Fariisin u ahayd Ciidamada Midawga Africa ee dalka Kenya oo kamid ah Ciidamada Nabad ilaalinta ee AMISOM.

Afhayeenka Ururka Al-Shabaab u hadla una qaabilsan dhanka warbixinta, C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in Ciidamada dalka Kenya ay ka dileen askar gaaraysa ilaa 63 Askari oo ka mid ah kuwii ku sugnaa Xeradda ku taal Deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo.



Wuxuuna yiri:- “Ciidamada Kenya Jab iyo Halaag ayaan ugu geeysanay Degaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo, waxaa dilnay 63 Askari oo Qaarkood aan hayno Meydadkooda oo ay ka carareen, waxaan halkaa ku galnay Weerar ku Biloowday Qarax Ismiidaamin ah iyo Dagaal Toos ah, hadda waxaa xaruntaasi gacanta ku haya Xarakaa Al-shabaab, iyagoona halkaas kula wareegay waxii Saanad ahaa uu u yiilay ciidamada Kenya halkaasi”.

Dowladda Kenya ayaan wali ka hadlin Guulahan ay sheegteen Kooxda Al-Shabaab ee saakay duulaannka ku qaaday Xeradaasi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada