Madaxweynah Dalka Indonesia oo Booqday Goobihii Weeraraka Lagu Qaaday (VIDEO)

Madaxweynah Dalka Indonesia oo Booqday Goobihii Weeraraka Lagu Qaaday (VIDEO)

daajis.com:- Madaxweynah Dalka Indonesia Joko Widodo ayaa booqasho gaaban ku yimid goobihii Weerarka lagu qaaday ee caasimadda dalkaasi ee Jakarta

Weeraradan oo masuuliyadoodu ay sheegatay kooxda ISIS/Daacish ayaa waxaa lagu dilay illaa 7 qof, kuwaa oo 5 ka mid ahi la sheegay inay ahaayeen kooxihii weerarada soo qaaday.

Madaxweynaha dalka Indonesia ayaa socod ku maray wadooyinka ku teedsan goobihii ay weeraradu ka dhaceen, waxaana Ciidamada Booliska & Militariga dalkaasi la galiyay heegan buuxa iyagoona xirey dhammaan wadooyinka soo gala goobahaasi.



Madaxweynaha wuxuu warbixino ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Booliska, waxaa sharaxaad laga siiyay sida ay hay’adaha ammaanku u fashiliyeen weeraradaasi iyo sida uu u ballaarnaa qorshaha Ururka Daacish.

Luhut Pandjaitan, Wasiirka Amniga gudaha ee dalka Indonesia ayaa tilmaamay in ula jeedada kooxda Isis/Daacish uu ahaa inay Magaalada Jakarta ka gaystaan weerar lamid ah weeraradii ay 13-kii bishii November ee sanadkii tegay ay ka gaysteen Magaalada Paris ee caasimadda Wadanka Faransiiska.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada