DAAWO: Somaliland oo ka Hadashay Dagaalkii ay ku Qabsatay Deegaanka BaliCad (VIDEO)

DAAWO: Somaliland oo ka Hadashay Dagaalkii ay ku Qabsatay Deegaanka BaliCad (VIDEO)

daajis.com:-  Somaliland ayaa ka hadashay dagaalkii ay ku qaaday degaanka Balicad oo katirsan Gobolka Cayn.

Waxaa Ciidamo ka Socda Somaliland ay duulaan ku soo qaadeen lana wareegeen gacan kuhaynta deegaankaasi oo horey ay ugu sugnaayeen madax katirsan maamulka Khaatumo oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha Khatumo, prof cali Qaliif Galaydh.

Ciidamada Somaliland ayaa la sheegay inay magaalada Balicad ka soo galeen dhanka deegaanka Geed-dheer iyagoona la sheegay inay wateen gaadiidka dagaalka oo aad u farabadan, wax iska caabina ahna kalama aysan kulmin dhanka ciidamada Khaatumo oo halkaasi xarun u ahayd mudooyinkan danbe.



Qabsashada deegaanka Balicad ayaa imanaysa xili dhawaan lafilayo in deegaanada Sool,Sanaag iyo Cayn larabo in loo dhiso maamul goboleed ay iyagu leeyihiin oo ay Dawladu Federaalku qorshihiisa wado, waxayna taa ay keentay in Ciidamada Somaliland ay weerar kusoo qaadaan deegaankaasi.

Wasiirka Arimaha gudaha ee Somaliland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay dabada ka riixayso in maamulka Somaliland uu kala jabo taasina ay tahay wax aysan marnaba ogolaan doonin.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada