Al-shabaab oo markale jab xoogan gaarsiisay ciidamada Kenya

Al-shabaab oo markale jab xoogan gaarsiisay ciidamada Kenya

daajis.com:- Al-shabaab ayaa qarax Miino ku dishay duleedka degmada Lamu 7 kamid ah Saraakiisha Booliska Kenya, halka qaar kalena ay nolosha ku wateen

Mid ka mid ah dadka degaanka oo diiday magaciisa ayaa Wargeyska The Star ee ka so baxa Kenya u sheegay in uu marka hore maqlay Qarax xooggan kadibna ay ku xigtay Rasaas la is weydaarsaday Xaafadda Hindi ee Xeebta u dhow ee hoostagta Lamu.

1261099Sarkaal kale oo ka tirsan Booliska Kenya magaciisana qariyay ayaa u sheegay Wargeyska The Star in Saraakiisha la la’yahay la tuhunsan yahay in ay horay u wateen Xarakada Al-shabaab ee degaankaas ka dagaallanta,waxaana uu intaa ku daray in ay wadaan Howlgal lagu so furanayo.

“Lix Sarkaal wey dhinteen seddex kalana dhaawac ayaa soo garay, qarax ayaana lala eegtay gaariga ay la socdeen,waxaa qaraxa la dhigay waddada Hindi oo Lamu ka tirsan.”Ayuu yiri Sarkaalka Booliska ka tirsan.

Ciidamada Kenya ayaa weerarkaan qaraxa lala beegsaday xilli ay ka soo noqdeen howlgal ay ka fuliyen Deegaanka Kiunga oo ka tirsan Gobolka Xeebta ayna u soo socdeen lamu.

 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada