Ayaan Xirsi Cali oo laga Waraystay Muuqaalkii Al Shabaab ee Donald Trump (VIDEO)

Ayaan Xirsi Cali oo laga Waraystay Muuqaalkii Al Shabaab ee Donald Trump (VIDEO)

daajis.com:-  Ayaan Xirsi cali oo dalka Holland ka ahaanjirtay xildhibaanad oo hadda ku nool dalka Maraykanka ayaa waxaa laga waraystay muuqaalkii video-ga ahaa oo ay dhawaan soo saareen Ururka Al Shabaab, kaas oo ay adeegsadeen qayb ka mid ah warkii uu yiri ninka u tartamaya madaxtinimada dalka Maraykanka ee Donald Trump.

Waxayna sheegtay in dadbadan oo muslimiin ahi ay u gacan galeen kooxahani ayna aad u aaminsan yihiin waxa ay fuliyaan ama ay ku dhaqmaan beytiri waxayna sheegtay in qaar kamid ah muslimiintu ay aaminsanyihiin in gaalada la waxyeeleeyo iyagoo aan waxba galabsan.
Haweeneydani ayaa dhanka kale sheegtay inaysan fikirka Donald Trump ee ah in dadka muslimiinta ahi aysan soo gali karin dalka Maraykanka ay u aragto mid aan ahayn aragti fiican oo si fiican aan looga fiirsan, waxaana ogahay baytiri in siyaasiyuuntu marmar ay ereyo qatar ah isticmaalaan sidii ay u heli lahaayeen cadadka dadka Cunsuriyiinta ah.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada