Boqortooyada Sacuudiga oo Malaayiin Dollar ku abaalmarineysa Doowlada Soomaaliya

Boqortooyada Sacuudiga oo Malaayiin Dollar ku abaalmarineysa Doowlada Soomaaliya

daajis.com:- Warar hoose oo aan ka heleyno xukuumada Soomaaliya, ayaa sheegaya in Boqortooyada Sacuudiga ay dhawaan DF gacanta u gelin doonto lacag Malaayiin Doolar ah, taasoo ka dambesyay kadib markii ay Doowlada Soomaaliya xiriirka diblomaasinimo u jartay Dowlada Iiraan islamarkaasina ay magaalada Muqdisho ka raacdeysay Safiirkii Iiraan u fadhiyay iyo diblomaasiyiin.

Doowlada Soomaaliya, ayaa iyadu si kal iyo laab ah taageero ugu muujisay Boqortooyada Sacuudiga oo iyadu xiligaan dagaal diblomaasiyadeed uu kala dhaxeeyo Iiraan.


Sidoo kale Soomaaliya ayaa kamid ah isbahaysiga uu Sacuudiga hogaaminayo ee dagaalka kulajira Xuutiyiinta Yeman oo iyagu taageero ka hela maamulka Tehran, sidoo kale Soomaliya waxay kamid tahay Isbahaysiga Dowladaha Islaamka ee ku bahoobay la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada.
Inkastoo aan wali si rasmi ah loo shaacin tirada ama cadadka lacagta ay Boqortooyada ku abaalmarisay Doowlada Soomaaliya, ayaa waxaa lagu wadaa in maalmaha soo aadan si rasmi ah loo ogaado.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada