daajis.com:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar Cabdirashiid Cali ayaa maanta shir magaalada Muqdisho uga furay Madaxweynayaasha Maamulada Koofur Galbeed iyo Jubbadland Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Axmed Madoobe.
Shirka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee DFS.
Ra’isul wasaare Cumar ayaa sheegay in Ujeedka shirka uu yahay in xal laga dhex abuuro labada madaxweyne oo mudooyinkii ugu danbeeyay ku kala tagay Siyaasada Somalia.
Kulanka ayaa waxa uu maanta ka furmay Garoonka Aadan Cadde waxaana jira in labada madaxweyne ay isku fahmi waayen Shirka, islamarkaana ay ku kala booden, iyadoo markii danbe Ra’isul wasaare Cumar uu dib ugu soo celshay Hoolka uu shirka ka socday labadaasi mas’uul.
Shariif Xassan ayaa ku doodaaya in Axmed Madoobe uu faragalin qaawan ku hayo howlaha maamulkiisa islamarkaana xiliyada uu carqalad la doonaayo Koonfur Galbeed uu usoo adeegsado Hogaamiyaha Maamulka Puntland.
Shariif Xassan waxa uu sidoo kale sheegay in dhacdadii ugu danbeysay ay aheyn dhismaha maamulka Bakool Sare oo uu sheegay in Axmed Madoobe uu ka danbeeyay isaga oo Xildhibaano ka tirsan BFS u adeegsanaaya.
Shariif Xassan waxa uu kulanka kusoo bandhigay qodobo farabadan oo ay kamid tahay in Axmed Madoobe uu carqalad iyo war xumo tashiil ka dhex abuuray Koonfur Galbeed iyo Dowlada Ethiopia, hayeeshee taasina ay tahay mida ugu weyn ee Shariif Xassan uu ka qeyla dhaamiyay.
Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed uu weerar ku yahay Siyaasada Jubbland iyo in Shariif Xassan uu taabagalinaayo Mucaaradka Jubbaland.
Axmed Madoobe waxa uu cadeeyay in Jubbaland ay ka socon la’ dahay Shirqoolo uu u maleegay Shariif Xassan taasina ay tahay tan ku qasabtay carqaladeynta Koonfur Galbeed.
Wax natiijo ah wali lagama gaarin shirka oo hadda kusoo xirmay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegayaa in maalinimada bari ah uu dib u furmi doono.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 00:56 and have

