Wadamada Khaliijka oo ka shiraya Iiraan

Wadamada Khaliijka oo ka shiraya Iiraan

daajis.com:- Lix waddan oo ka wada tirsan Golaha Iskaashiga Khaliijka ayaa maanta ku shiraya magaala madaxda dalka Sucuudiga ee Riyaad.

Madaxdan ayaa waxa ay ka arrinsanayaan xiisadda isa sii tareysa ee u dhaxeysa boqortooyada Sunniga ah ee Sucuudiga iyo waddanka shiicada ah ee uu loolanka kala dhexeeyo ee Iraan.

Muranka u dhaxeeya labadani dal ayaa usbuuc ka hor cirka isku sii shareeray kaddib markii uu Sucuudigu khaarijiyay wadaad caan ah oo shiica ah.

Hal waddan oo xubin ka ah Golahani Iskaashiga Khaliijka ayaa ku biiray wadammada xiriirka diblumaasiyadeed u jaray Tehraan, waxaana weriyaha BBC-da uu sheegayaa in Sucuudigu uu shirkani u adeegsan doono in wadammada kale uu ka dhaadhiciyo in ay xiriirka diblumaasiyadeed u jaraan Iraan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada