daajis.com:- Al Shabaab ayaa markii ugu horeysay faah-faahin ka bixiyay sababta ka dambeysay weerarkii dhiiga badan ku daatay ee Habeenkii Khamiisti ay ku beegsadeen Maqaayada Liido Sea Food oo ku taallo Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Shabaab ugu magacaaban Gobolka Banaadir Sheekh Cali Jabal, ayaa sheegay sababta weerarka Liido ka dambeysay inay tahay in halkaasi ay isugu tagaan dad uu ku tilmaamay cadoow.
liido9Waxa uu sheegay inay aaminsan yihiin dadka ku Shaaha Aaga Xeebta Liido inay yihiin xubno ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya, halkaasina ay tahay meesha ugu dambeysa ee ay ku kala warqaataan dadka Dowladda la shaqeeya.
Sarkaalkaan Shabaabka ka tirsan ayaa sheegay inaysan dad shacab ah ku dilin Xeebta Liido, balse dadka ay dileen ay yihiin cadoow.
“Runtii meeshaas waxa ay aheyd meel uu degan yahay cadoowga ayaa lagu beegsaday cadoowgaas ayaa loo socday, cadoowgaas ayuu ujeedka iyo hadafka ahaa, sida aan ognahay meeshaas waxaa ka socday runtii cadoowga meesha ugu dambeysay oo isku kali yeeystay oo uu shirarka ku galaan oo ay isku wareystaan oo ay ku shaah cabaan oo ay isugu tagaan ayeey aheyd waa halkii meel uu ugu dambeysay.” Ayuu yiri Sheekh Cali Jabal.
“Runtii meeshaasi iyada ah waa xarun cadoow ah, waxaan dhihi karnaa Meeshaas ma’ahan meel aan shacab ku ogeyn waa xarun ciidan, waa meel Murtadiinta ay ku kaliyeysteen, xitaa wararka aan helayno waxa ay sheegayaan Hoteelada iyo mehrada halkaasi ku yaallo in badan oo ka mid ah inay Ajaanib leeyihiin.” Ayuu raaciyay warkiisa Sheekh Cali Jabal.
Waxa uu ku hanjabay inay sii wadi doonaan weerarada ay ka geysanayaan Magaalada Muqdisho oo juhdiga ugu badan ay ku bixinayaan, isaga oo shacabka uga digay inay la fariistaan dadka Dowladda la shaqeeya ama Shaah ay la cabaan, wuxuuna maah maah digniin ah u soo qaatay “Nin kuu digay kuma dilin.”
Weerarkii Liido ee Khasaaraha badan dhaliyay ayaa inta ugu badan Dhibaatada waxa ay ka soo gaartay dadkii shacabka ahaa ee Maqaayada fadhiyay, waxaana halkaasi lagu dilay saddex ruux oo isla dhashay Hooyo iyo Wiil yar ay dhashay iyo dad kale oo Shacab ahaa.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 20:51 and have

