Ciidamada Kenya oo isaga baxay Ceelcadde iyo Badhaadhe

Ciidamada Kenya oo isaga baxay Ceelcadde iyo Badhaadhe

daajis.com:- Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Afrika ee AMISOM ayaa gebi ahaanba isaga baxay deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo, halkaasoo 15-kii bishan Al-Shabaab ku weerartay ciidamada Kenya ee saldhiga ku ahaa deegaankaasi.

Sidoo kale wararka laga helayo degmada Badhaadhe ee gobolka J/hoose ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay ka baxeen saldhigyadii ay ku lahaayeen, iyagoo u dhaqaaqay dhinaca xuduuda Kenya.

Ciidamada Kenya oo garab ka helaya kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubaland ayaa degmagaasi Al-shabaab kala wareegay 02-dii bishii Febraayo ee sanaddii 2012.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya xaalada deegaanadaasi ay ka baxeen ciidamada Kenya, waxayna wararku sheegayaan in Al-Shabaab ay la wareegtay gacan ku haynta maamulka.

Lama oga sababta ka danbeysa ka bixitaanka ciidamada Kenya ee degmada Badhaadhe iyo deegaanka Ceelcadde.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada