daajis.com:- Tahriibe Soomaali ah oo da’diisa lagu sheegay 15 sano jir aan wehlin waalidkiisa ayaa tooreey ku dilay gabar ka shaqeynaysay goobta lagu xannaaneeyo caruurta yaryar ee waalidka la socon.
Dilkaanii foosha xun ayaa wuxuu u adeegsaday wiilka yar ee Soomaaliga ah tooreey, kadib markii la sheegay in wiilka uu la murmay gabadha Swedhishka ah oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Lubnaan, lana yiraahdo Alexandra Mezher oo 22 jir, kadibna dhaawacii uu u geystay ayey ugu dhimatay isbitaalka.
Dhacdadan oo ka dhacday magaalada Mölndal ee duleedka Göteborg, waxaana goobtaasi booqasho ku tegay Ra’iisul wasaaraha Swedan Stefan Lofven oo dhacdadaan ku tilmaamay danbi weyn isagoo sheegay in dad badan oo u dhashay dalkiisa ay qabaan in dhacdooyinka nocaas ah ay mar kale soo noqon karaan.
Wiilkaan yar ayaa sidoo kale lagu hayaa baaritaan dhinaca maskaxda ah, waxaana gacanta uu ugu jiraa ciidamada booliska.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 20:59 and have

