daajis.com:- Ciidamada difaaca Kenya ee ka midka ah howlgalka AMISOM ayaa dugsiga sare ee Ganaane oo ku yaal magaalada Kismaayo ardayda dhigata u qeybiyay qalabka waxbarashada sida buuggaag, qalimada iyo goomaha wax lagu dirdiro.
Taliyaha ciidamada Kismaayo ku sugan ee Kenya, Colonel John Kipya oo hoggaaminayay ciidamada qeybtinta buugaagta u tegay Dusgiga sare Gannaane ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in ay dhiiri geliyaan ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashada ku howlan.
Qamar Dek Khaliif, Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadamnimada maamulka Jubbaland ayaa u mahadcelisay ciidamada AMISOM, iyadoo sheegtay in wasaaradeeda ay u taagan tahay ilaalinta iyo horumarinta haweenka Jubbaland.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK._____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 17:12 and have
