Daawo: DAACISH oo Tooganeysa 5 nin oo basaasiin u ahaa Ingiriiska

Daawo: DAACISH oo Tooganeysa 5 nin oo basaasiin u ahaa Ingiriiska

daajis.com:- Ururka Daacish, ayaa raggaasi ku eedeeyay inay ahaayeen basaasiin dalka Suuriya uga soo basaasi jiray Dowladda UK, oo bishii hore ku biirtay isbahaysiga uu Mareykanka hogaamiyo, isla-markaana dhinaca cirka ka garaacaaya Xarumaha Daacish ku leedahay dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Shanta nin ee la dilay, ayaa waxaa ku jiray nin iyo wiil yar oo ku hadlaayay lahjadda luqada Ingiriisiga ee looga hadlo dalkaasi Britain. Ninkaasi waxaa la sheegay inuu qaatay Diinta Islaamka, si uu u basaaso Daacish.

Nin ka tirsan Daacish oo ka soo muuqday muuqaalkaasi, ayaa sheegay inay tani tahay farriin ku wajahan Ra’iisal Wasaaraha Britain, David Cameron. Wuxuu Mr. Cameron uu ku eedeeyay inuu ku soo duulay Daacish.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Britain, ayaa waxay sheegtay inay horey uga war heshay xukunka lagu fuliyay raggaasi, isla-markaana ay bilowday tallaabo ay ku xaqiijinayso.

Halkaan Hoose ka Daawo


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada