DAAWO:- Aabo & Caruurtiisa oo iyagoo ku sugan gudaha UK muujiyay taageerada ISIS

DAAWO:- Aabo & Caruurtiisa oo iyagoo ku sugan gudaha UK muujiyay taageerada ISIS

daajis.com:- Wargeyska DailyMail ee kasoo baxa dalka Ingiriiska, kana mid ah wargeysyada ugu afka dheer ee sida aadka ah wax uga qora Kooxaha Argagixisada, ayaa soo bandhigay Muuqaalada Aabo u dhashay Ingiriiska oo cadaan ah iyo wiilkiisa oo 6-jir ah, kuwaasoo ku biiray Kooxda Daacish ee iyadu ka dagaalanta dalalka Syria,Iraq iyo Libya.

Aabahaan oo lagu magacaabo Ibrahim Anderson, ayaa ku nool bartamaha UK, gaar ahaan Suburbia, waxaana uu dhowr mar meel fagaaro ah ka sheegay inuu taageero weyn u yahay ISIS.

Sawirada uu baahiyay DailyMail, ayaa waxaa ka muuqda wiil uu dhalay Ibrahim oo 6 jir ah, kaasoo isku sawiray Calanka Madoow ee ISIS isticmaasho iyo Seef.

Ibrahim, ayaa diinta Islaamka qaatay sanadii 1990, markaasoo uu kujiray Xabsi, waxaana xiligaas loo xiray Gaari uu ka xaday Meel Patrol Station ahayd.


Ibrahim Anderson, ayaa waxaa lagu eedeeyaa inuu kamid yahay ragga ugu mayalka adag London, waxaana uu mar ku baaqay in madaxa laga gooyo kuwa wax ka sheega Nabiga Naxariis & Nabadgalyo Korkiisa Ha ahaatee


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada