DAAWO:- Ciidamada Ammaanka Masar oo toogtay labo nin xirnaa jaakadaha qarxa, ka hor inta aysan is qarxin

DAAWO:- Ciidamada Ammaanka Masar oo toogtay labo nin xirnaa jaakadaha qarxa, ka hor inta aysan is qarxin

daajis.com:- Labo nin oo ku hubeysneyd mindi iyo jaakadaha qarxa ayaa xoog ku galay Hotel ku yaala magaalada xeebta ah ee Hurghada, halkaasoo ay degenaayeen dalxiisayaal u dhashay dalalka Yurub.

Ciidamada ammaanka Masar ayaa sheegay in kooxahan ay dhinaca badda ka yimaadeen, iyagoo xoog ku soo galay Hotelka Bella Vista.

Wararka ayaa sheegaya in saddex dalxiise lagu dhaawacay halka laga galo albaabka hotelka, iyagoo isku dayay in gudaha hotelka soo galaan.

Hase ahaatee ciidamada ammaanka ayaa mid ka mid ah toogtay, halka midka kale ay dhaawaceen, waxaana mid ka mid ah uu xirnaa jaakadaha qarxa, waxaana ciidamada u suura gashay inay toogtaan inta uusan is qarxin.

Labada nin ayaa watay calanka madow oo ay ku qorneyd shahaadada, waxaana ciidamada ammaanka ay sheegeen inay ahaayeen dhalinyaro.

Mid ka mid ah ayaa da’diisa lagu sheegay 21 jir arday ahaa, waxaana uu ka yimid magaalada Giza oo deris la ah magaalada Qaahira.

Dalka Masar ayaa waxaa sanadihii la soo dhaafay ka dhacayay weeraro ay geysaneysay Kooxda IS iyo kooxo kale oo Islaamiyiin ah, oo ka soo horjeeda xukunka dowladda Madaxweyne Abdelfatah Al-Sisi oo xukunka ka tuuray sanadkii 2013 Madaxweyne Maxamed Mursi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada