daajis.com:- Gudoomiyha Baarlamanka Soomaaliya oo safar ku tagay Magaladda Dhusamareeb ayaa waxaa ka dhashay Xiisad balaadhan, waxaana horey uga soo horjeestay Madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubaland, waxaana sidoo kale magaalada Muqdisho kulan looga hadlayey arimahasi isugu Yimid Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya.
Wasiirada Maanta kulankaasi ka qeyb galay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Amniga Gudaha, Wasiirka Qorsheenta, Wasiirka Dhalinyarada iyo Wasiirtu Dowlaha Madaxtooyada, waxaana ayaa si cadho leh Looga Hadlay Safarka Jawaari uu ku tagay Dhuuso-mareeb iyo hadal kasoo yeedhay Gudoomiye ku xigeenka Labaad Ee Baarlamanka Mahad Cabdala Cawad.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:57 and have
, Published at