daajis.com:- Ali Saqr oo 21 sano jir ah oo kamid ah maleeshiyaadka ka tirsan ururka Daacish ayaa meel fagaare ah ku toogtay hooyadii Lena al-Qasem oo 45 jir ahayd meel fagaare ah oo kasoo horjeeda xafiiska Boostada magaalada Raqqa, kadib markii ay weydiisatay inuu isaga tago ururka Daacish.
Lena al-Qasem ayaa la sheegay in wiilkeeda ay u sheegtay in uu soo raaco maadaama weerarada lagu hayo kooxda ay soo kordheen, waxayna isku dayday inay ka dhaadhiciso in uu hore u sii raaco iyadoo qorsheysatay inay ka qaxdo magaalada Raqqa, Hase yeeshee wiilka ay dhashay ayaa wargeliyey kooxda uu ka tirsanaa kuwaasoo amray in uu dilo. Ali Saqr ayaa la sheegay in uu ku hor toogtay hooyadii xafiiska boostada oo ay ka shaqeyn jirtey iyadoo ay daawanayaan boqolaal ruux.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:55 and have
, Published at