DAAWO:- Cutubyo ka socda Itoobiya oo la geeyay magaalada Kismaayo

DAAWO:- Cutubyo ka socda Itoobiya oo la geeyay magaalada Kismaayo

daajis.com:- garoonka diyaaraddaha Kismaayo ka degtay labo diyaaradood oo ay la socdeen ciidamo gaaraya 250 askari oo ka socda dalka Itoobiya, kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka midowga Africa ee Amisom.

Mas’uuliyiin uu ka mid ha Madaxweyne ku-xigeenka, Jubbaland C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa kusoo dhoweeyay garoonka, waxayna ciidamadaasi markii ay soo degayeen kor u hayeen calamada Itoobiya, kan Soomaaliya iyo midka midowga Africa.

Col. Tesefaye oo hoggaaminayay ciidanka ayaa u mahad-celiyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo, isagoo xusay in iyagoo kaashanaya ciidanka Jubaland, kuwa ka socda Kenya iyo Burundi ay bilaabi doonaan howlgallo ballaaran oo Al-shabaab looga saarayo deegaannada Jubbaland.

Imaatinka ciidammadaan ayaa kusoo beegmaya xilli madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam uu shalay shaaca ka qaaday in bishan January gudaheeda ay deegaanada Jubaland ka bilaaban doonaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada