daajis.com:- Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday inay xiriirkii diblomaasi u jartay dowladda Iiraan, isla markaana dalkeeda ka ceyrisay diblomaasiyiintii Iiraan u joogay dalka Sacuudiga in muddo 48 saacadood ah uga baxaan Boqortooyada Sacuudiga.
Arintaan ayaa ka danbeysay markii dad ka careysan dilkii Sacuudiga uu ku fuliyay wadaadka shiicada ee Nimir Al-nimir ay gudaha jabsadeen safaaradda Sacuudiga uu ku leeyahay Tehran, dabna qabadsiiyay, iyadoo ay guuldareysteen booliska in ay ka hortagaan rabshadahaasi
Wasiirka arrimaha dibadda Boqortooyada Sacuudiga Caadil Aljubeyr ayaa shir jaraa’id uu qabtay ku shaaciyay an dowladdiisa ay xiriirkii u jartay Iiraan, isla markaana wuxuu ku eedeeyay Iiraan inay faragelin ku heyso arrimaha gudaha Sacuudiga, kuna fashilantay inay ilaaliso diblomaasiyiinta Sacuudiga ee ku sugan dalkeeda.
Wasiirku wuxuu caddeeyay in si degdeg ay dalka Iiraan uga soo qaadan doonaan diblomaasiyiinta Sacuudiga ee ku sugan dalka Iiraan, wuxuuna intaas ku daray in go’aankooda ay gaarsiiyeen Safiirka Iiraan u jooga Sacuudiga.
Dowladda Iiraan ayaa hanjabaad u jeedisay Boqortooyada Sacuudiga iyadoo sheegtay in ay aargudan doonto.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 12:43 and have

